ENTERTAINMENT
 
 
FAALLO XUKUUMADEENII DEG-DEG JECEL -DIIHAAL-BADAN- DUL-YAR- DAREEN-NUGUL-DAMQASHO-DHAW MA TANEY HADANA KEENTEY ?? WALEE WAA YAAB !!‏
This post has been viewed 90 times
(Xoriyonews.com): Thursday, August 29-2013
London(Xoriyonews)-Xukuumadeena oo sidii caadada u-aheyd Sas iyo Sakati badan ka qaadey Mujaahidiintii, waxgaradkii iyo aqoon-yahankii ku midoobey Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka. Ayaa waxaa la isku raacey oo ifa-faalaheedii la arkay maanta in Madashan     Faallo Xukuumadeenii Deg-deg Jecel -Diihaal-Badan- Dul-yar- Dareen-Nugul-Damqasho-dhaw ma taney hadana keentey ?? Walee Waa Yaab !!‏


London(Xoriyonews)-Xukuumadeena oo sidii caadada u-aheyd Sas iyo Sakati badan ka qaadey Mujaahidiintii, waxgaradkii iyo aqoon-yahankii ku midoobey Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka. Ayaa waxaa la isku raacey oo ifa-faalaheedii la arkay maanta  in Madashan Wada-tashigu ay Xukuumadii ku moqotey dhinbiil holac ah oo aad u-shidmeysa oo sii koreysa oo sii kareysa  Maalinba Maalinata ka danbeysa taas oo Xukuumadiinii Dul-yar,Dareen nugul ay xejin-kari weydey kuleyl-keedii, karkeedii iyo Kaaheedii.ka soo kam-kamaayeey Madasha-Wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka.
 
Dhacdo Qoyan oo Berbera ka dhacdey 28/8/13, ayaa waxaa Hargeysa ka soo amba-baxey si ay uga qeyb-qaataan Xaflad-Ganacsi oo ay Berbera ka soo abaa-bushey Shirkad Cusub ee La magac-baxdey Shirkada Ponus Marine LTD. Si ay shirkadaasi ganacsigeeda oo ku-saabsan kheyraadka bada ay shacabka ugu soo bandhigto. markii la ogaadey in ay ka soo qeyb-gelayaan Mujaahid Ibraahim Abdillahi Huseen ( Dhega-weyne ) iyo Suldaan Mohamoud Ahmed Sheek oo isna ah Suldaan karaamo ku leh Gobolka Saaxil ayaa si badheedh ah loo car-qaladeeyey oo xukuumadii u-badheedhey in xafladaa la joojiyo ma-daama maalin ka horna ay hore u- joojisey laakiin nasiib-wanaag waxay xukuumadii kala kulantey guul-daro, ceeb  iyo weji-gabax Xafladiina sidii loogu talo-galey ayey u-dhacdey in kasta oo Askartii waqti badan  karidey Madashii-Xafladaas.
 
Waxaan leeyahay Xukuumada Siilaanyo iyo Guulwadayaasheeda qalbiga ka lingaxan ee iyagu falkaa xishamada iyo xishoodka aan laheyn isku dayey in ay fuliyaan
Waxaan leeyahay Yaaba is gaadheyba Horta!  Waxaan leeyahay hadii aad hadalkii Dhegaweyne aad ku xajiimooteen xaal-kiinii ma-xag-xasho iyo xuurto ayuu noqdey! Mise Suldaan Mohamoud Ahmed Sheik ayaa idin yidhi " Khasab kuma Balweyn-karo" oo anigu Laa-luushka ma qaato ? Maa-daama Qaar-badan oo isaga dhigiisa ahaa ay dhawaan Madaxtooyada ka soo fuleen.Waxaa la yaab-leh in ay Xukuumadii maanta doontey in ay cabudhiso ku wii Dimuqraadiga ay iyadu hada  ku seexato dhiigoodii,Dheecaankoodii,maalkoodii iyo waqtigoodii qaaliga ahaaba u-soo hurey ee afka iyo adinkaba ugu soo dagaalamey. Muwaadinow bal-kawarama hadii maanta uu Dhegaweyne sameyn lahaa banaan-baxyadii salmiga ahaa ee xisbul-xaakimku ku dhawaaqi jirey markii ay Mucaaridka Xiiqsan ahaan jireen?? Waxaa xukuumada looga fadhiyey in ay koriso oo kool-kooliso oo naaxiso oo ay shacabka Somaliland ay tusto tusaale hormo-gelineed oo Dimuqaadiyad huwan laakiin nasiin-daro taasi may dhicin ee waxay hormogelin uga dhigtey oo ugu abaal-gudey shacabkii doortey ee dirtey in Ciidamada aan Dastuurka qaranku aanu xalaaleyn ee aan meelna ka jirin ee RRU-du in ay Muwaadiniinta wadanka ay guryaha uga soo daataan iyaga oo sidii arga-gixisada indhaha ka xidhan. Waxaa xukuumadii Dimuqaadigeedii uu noqdey in Maxkamadihii oo socda xaakinkii rasaas lagu qabto, (ref: dhacdadii dhawaan maxkamada Burco ka dhacdey ) in Police dhar-cad ahi oo hadana indhaha ka xidhani uu Xaruntii  Hubaal Daaqadaha uga soo daato oo weliba danbiilayaashii oo raad-koodii la hayo la soo qaban-waayo.Waxaa halkaa kaaga cadaanaaya in ay Xukuumadii xeerkii iyo xaagaankiiba ay ka guurtey oo ay noqotey tacab-khasaar lagu khasaarey taas oo korisa oo kool-koolisa oo qudha shaqsiyaad Guulwadayaal darban ah halkii ay ka dhisi laheyd ee ay ka korin laheyd Hayadihii Dawlada ee Dhalinyarada Shaqo -u-abuuri lahaa.
 
Bal-kawarama Muwaadinow?  iyada oo aynu wada ognahay sidii ay ku timi oo aheyd doorasho xalaal ah ayey hadana bilowdey in ay Mujaahidiintii u-soo haraadey ee u-soo halgamey iyo Suldaanadii biri ma-geydada ahaa in ay hadh cad ceebeyso, Cabudhiso, khasabto oo u-caga-jugleyso iyada oo u-badheedhey in ay mijo-xaabiso dimuqraadigii yab-yabka iyo yag-leesha ahaa iyo Xoriyal-tal Qawlkii iyo Xuquuqdii Muwaadiniintaas. Malaa-waa-yaabe Xukuumadeena Damqasho-dhaw waxay ilowdey in tahay LA-DOORTE oo shacabku ay doorteen oo ay dirteen. Miyaaney ogeyn in Dastuurka qaranku qiraayo in Doortuhu  ka mudan yahay La-Doortaha , waayo hadii Doorte la waayo La-doorte oo Xukuumadii noqonaaya muu-jireen. Hadaba Waxaanu Xukuumada leenahay hadii kuwii kula halgamey ee ku doortey aad tixgelin-weydo oo aad ixtiraami weydo oo aad xaqooda iyo xoriyadooda duudsido waxaad filataa waa in ay kalsoonidii iyo karaamadiiba  kaala noqonayaan oo aan cidina adiga iyo xisbigaa dib-u-diran oo u-dooran.
 
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London


 
COMMENTS ( No Comments available )
Page
 

Your e-mail :

Your Comment:




 
FEATURES
 
 
 
© Copy Right 2010 - 2014 www.xoriyonews.com | All Rights Reserved

Boga Hore | Wararka | Maqaallo | Keydka Ciyaaraha | Suugaan | Entertainment | Wareysiyo | Contact Us |